Home Wararka Maanta Deg Deg: Xildhibaanada Koonfurgalbeed oo Beri Muqdisho imanaaya iyo Kuraas loo Fasaxay Koonfurgalbeed
Wararka Maanta - April 13, 2022

Deg Deg: Xildhibaanada Koonfurgalbeed oo Beri Muqdisho imanaaya iyo Kuraas loo Fasaxay Koonfurgalbeed

April 13, 2022  Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa caawa fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale guddiga ayaa go’aamiyey in lagu noqdo doorashada kursiga HOP154 oo ka mid ahaa 3-dii kursi ee Koonfur Galbeed lagu diiday natiijada doorashadooda.

Xildhibaannada K/Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maalinta berri ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho, si ay u qaataan shahaaddada rasmiga ah ee Xildhibaannimada oo ay bixinayaan Guddiga FEIT.

Shahaaddo qaadashada kaddibna waxa ay ka qayb geli doonaan xafladda dhaarrinta Xildhibannada oo ka dhici doonta teendhada Afisiyooni oo ku taalla xerada Xalane.

Arrintaan ayaa imaaneysaa xilli xal laga gaaray khilaaf soo kala dhax galay Maamulka K/Galbeed ee uu hoggaamiyo C/casiis Lafta Gareen iyo Guddiga FEIT, khilaafkaas oo la xariira kuraas laga soo doortay maamulkaas oo uu guddiga hakiyay.

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka(FIET) ayaa fasaxay Kuraasta Kala ah Hop-103 iyo Hop-204 ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.Kuraastan la fasaxay ayaa horey waxaa ugu fadhiyey Gudoomiyihii hore BJFS Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Hop#103 halka Cabdiqadir Maxamed Nuur Jaamac uu ku fadhiyey kursiga tirsigiisu yahay Hop#204.Waxaa sido kale guddiga sheegeen in lagu celinaayo doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#154.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *