Home Wararka Maanta Deg Deg: Qaraxyo gilgilay caasimada Kampala ee dalka Uganda
Wararka Maanta - November 16, 2021

Deg Deg: Qaraxyo gilgilay caasimada Kampala ee dalka Uganda

November 16, 2021  Labo qarax oo si weyn loo maqlay ayaa goor dhaw ka dhacay bartaha magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda waxaana kuwaa oo jugtooda si weyn loo maqlay.

Qaraxa koobaad ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhacay xarun laga dukaameysto oo u dhaw saldhigga dhexe ee booliska ee magaalada Kampala, waxaana qaraxan la sheegay in jugtiisa si weyn loo maqlay uuna geestay khasaaro.

Qaraxa labaad ee goordhaw ka dhacay magaalada Kampala ayaa isna ka dhacay meel ku dhaw xarunta Baarlamaanka dalka Uganda, qaraxaan ayaana xaalad cabsi hor leh ka abuuray magaalada Kampala.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadan ka dhacay magaalada Kampala , waxaana warar soo baxaya sheegayaan in qaraxyadan dhaliyeen khasaaro aan wali tiradooda rasmiga ah aan la ogeyn.

Ciidamada Sirdoonka iyo kuwa booliiska dalka Uganda ayaa buux dhaafiyay goobaha ay qaraxyadan ka dhaceen, ciidamada ayaana wada baaritaano deg deg ah oo ku aadan qaraxyadn Caasimada Kampala ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *