Home Wararka Maanta Deg Deg: Mas’uul katirsan Guddiga doorashooyinka heer Federal oo geeriyooday
Wararka Maanta - August 13, 2021

Deg Deg: Mas’uul katirsan Guddiga doorashooyinka heer Federal oo geeriyooday


August 13, 2021 Alle ha u naxariisto waxaa daqiiqado kahor isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiyihii guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka heer federaal Cabdulaahi Abyan Nuur.

Xubin ka mid ah guddiga oo la hadlay ayaa u xaqiijiyay in guddoomiyaha uu maalmahii dambe xanuunsanaa.

Waxaa xusid mudan in sidoo kale marxuumkan uu kaliyaha ka xanuunsanaa islamarkaana in muddo ah uu dheer jeer la xanuunsanaa.

Waxaa geerida marxuum Cabdullahi Abyan ka tacsiyeeyay guddiga doorashooyinka ee heer federal iyagoo ugu baryay in janadii fardowso uu Ilaah ka waraabiyo.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa sidan oo kale uga tacsiyeysay geerida mas’uulkan xili uu si xowli ah dadka ugu dilayo cudurka Covid-19 oo soo laba kacleeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *