Home Wararka Maanta DEG DEG: Al shabaab oo la wareegay degmada Matabaan
Wararka Maanta - December 13, 2021

DEG DEG: Al shabaab oo la wareegay degmada Matabaan

December 13, 2021 dagmo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay goor dhowayd qabsadeen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa qabsaday dhawr tuulo oo ku dhow degmada Matabaan sida laga soo xigtay warbaahinta kooxdaas.

Al-shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qabsashada Al shabaab ee Matabaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Axmad Qoor Qoor uu si adag ula dagaalamay kooxda Ahlu-Sunna oo Al shabaab ka ilaalisay meelo ay kamid yihiin Matabaan.

Dhanka kale wali majiro war kasoo baxay maamulka Galmudug oo ay kaga hadlayaan dib u qabsashada Shabaab ee Matabaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *