Home Wararka Maanta Deeqdii DF ay ku sheegatay Beledweyne oo la beeniyey – “Jawaano ciidda lagu shubo wax aan ahayn kama hayno”
Wararka Maanta - May 8, 2020

Deeqdii DF ay ku sheegatay Beledweyne oo la beeniyey – “Jawaano ciidda lagu shubo wax aan ahayn kama hayno”

 Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa beeniyey sheegada dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay ka qeyb qaadaneyso dalaallada lagu doonayo in magaalada looga bad-baadiyo fatahaad laga cabsi qabo.

Fatahaada Beledweyne

Dawlada Federaalka ah lacag $500k oo ay sanadkii hore ugu yaboohday fatahaada Beledweyne ilaa iyo hadda lama hayo. Waxay kaloo sheegtay in qalab, iyo ciidan ay geysay Beledweyne si looga hortago fatahaada, taasina waxaa beeniyey Guddiga Gurmadka Beledweyne. Waxaan u mahadcelinayaa gurmadkii ay shacabka Soomaaliyeed u fidiyeen gargaarka Gobolka, gaar ahaan walaalaha Somaliland oo hantidii ay ku deeqeen haatan biyaha looga celiyo Beledweyne. Waxaan dhiira gelinayaa dadaalka Guddiga Gurmadka. Waxaan ugu baaqayaa madaxda Dawlada Federaalka ah, haddii aydan dadka wax taraynin hafrida ka daaya. Reer Hiiraanow aan isku tashano cir waan toli karnaahe.

Публикувахте от Abdirahman Abdishakur Warsame в Петък, 8 май 2020 г.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *