Home Wararka Maanta Dawlada Puntland oo deegaanadeedka ka saaraysy dadka Itoobiyaanka ah
Wararka Maanta - October 20, 2021

Dawlada Puntland oo deegaanadeedka ka saaraysy dadka Itoobiyaanka ah

October 20, 2021 Dowlada Puntland oo kaashanaya hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ee IOM ayaa waxaa ay ka qaadeen Gudaha Puntland Qaxooti Itoobiyan ah oo muddo ku noolaa Magaalooyin ka tirsan Puntland.

Dadkaasi oo tiro ahaan gaaraya ilaa 42 Ruux ayaa waxaa dib loogu celiyay dalkooda Itoobiya, iyaga oo badi laga qaaday magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dadka Itoobiyanka ah ee Puntland & hay’adda IOM ka qaadeen Magaalada Boosaaso ayaa muddo bil ah ku xayirnaa halkaas, iyaga oo si iskood ah u dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo.

Puntland ayaa marar hore sidan oo kale uga saadhay deegaanadeeda boqolaal Itoobiyaan ah, kuwaas oo lug kusoo galay deegaanada Puntland, waxaana lagu caadiyay xuduudka Puntland ay la wadaagto Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *