Home Wararka Maanta Dawlada Jabuuti Oo Xaalad Caafimaad U Xirtay Xadka ay la Wadaagto Somaliya.
Wararka Maanta - October 21, 2020

Dawlada Jabuuti Oo Xaalad Caafimaad U Xirtay Xadka ay la Wadaagto Somaliya.

October 21, 2020 Dawlada Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay xidhay xadka ay la wadaagto Somaliya .

Qoraal kasoo baxay dawlada Jabuuti ayaa lagu sheegay in xadka laga hakiyay isku socodka dadka mudo 15 maalmood ah, kadib markii caabuqa Covid 19 kusoo laba kacleeyay Somaliland,

Dawlada ayaa fulinta amarkan u xil saartay wasaaradaheeda Difaaca, Gudaha iyo Caafimaadka si loo ilaaliyo shuruucda badqabka bulshada reer Jabuuti ayaa lagu yiri qoraalka maanta kasoo baxay.

Amarkan lagu xiray Xadka Jabuuti ayaa yimid markii labaatan qof oo shalay ka talaabay xadka ay la wadaagto Somaliland laga helay caabuqa Coronavirus, kadib markii isla shalay baaritaan hubin ah loogu sameeyay iyaga oo ku sugan xuduuda.
Halkan ka Akhriso:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *