Home Wararka Maanta Dagaalyahanno ka tirsan Shabaab oo ka tallaabay xuduudda gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya
Wararka Maanta - July 24, 2022

Dagaalyahanno ka tirsan Shabaab oo ka tallaabay xuduudda gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya

July 24, 2022  Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa BBC u sheegay in dagaalyahanno cusub oo Al-Shabaab ka tirsan ay ka gudbeen xuduudda Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya.

Wuxuu intaa ku daray in dadka deegaanka ay u sheegeen in dagaalyahanno lagu qiyaasay 200 ay ka tallaabeen Gobolka Hiiraan isla markaana ay galeen dhinaca Itoobiya.

“Markii aan dadka weydinayay, waxay noo sheegeen in ilaa 200 nin ay ku dhaw yihiin” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo kuwa Soomaaliya ay iska kaashanayaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan dagaal ka dhan ah Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *