Home Wararka Maanta Dagaalkii Ka Socday Gobolka Sool Oo Xal Laga Gaaray
Wararka Maanta - April 19, 2021

Dagaalkii Ka Socday Gobolka Sool Oo Xal Laga Gaaray


somali

Dagaalkii Ka Socday Gobolka Sool Oo Xal Laga Gaaray

April 19, 2021

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka gobolkaasi ay ku guulaysteen in la joojiyo dagaal beeleed maalmihii la soo dhaafay ka socday deegaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Waxgaradka iyo odayaasha Gobolka oo booqday dhulkii lagu dagaallamay, ayaa dhinacyada ku qanciyay in ay xabadda joojiyaan, islamarkaana wada-hadal lagu dhammeeyo colaadda u dhexaysa labada beelood.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa weli ku hawllan, waan-waan ku jihaysan sidii labada beelood heshiis rasmiya uga gaari lahaayeen colaadda degaanka, kadib markii ay dhinacyadu sheegeen in ay diyaar u yihiin nabadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *