Home Wararka Maanta Dagaal ka socda degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan
Wararka Maanta - October 12, 2022

Dagaal ka socda degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah & Al-Shabaab ayaa ka socda degaanka Yasooman oo hoostaga degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka Yasooman ku leeyihiin ciidanka is garabsanaya.

Dadka degaanka qaarkood ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo leysku adegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Weli lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkan maadaama uu weli socdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *