Home Wararka Maanta Dad rayid ahaa oo lagu dilay Afgooye & Wararkii ugu dambeeyey
Wararka Maanta - April 27, 2020

Dad rayid ahaa oo lagu dilay Afgooye & Wararkii ugu dambeeyey

Dad rayid ahaa oo lagu dilay Afgooye & Wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (puntlandtoday) -Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dil uu xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda labo qof oo shacab ahaa uu ugu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dilka oo ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Baar Ismaaciil ayaa waxaa la sheegay inuu askariga u geystay labada qof oo mid ka mid ah ay aheyd haweeney.

Wararka ayaa sheegay in askariga wax dilay iyo labada marxuum uu soo kala dhex-galay muran, kaas oo sababay inuu mar qura rasaas ku furo.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsam kuwa dowladda oo howlgallo lagu baadi goobayo ka sameeyey askarigii ka dambeeyey falkaasi oo baxsaday.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi.

Afgooye oo inta badan weeraro qorsheysan ay ku fuliyaan mooryaan Goryaha Afgooye Qaar kuud xoog ku haysta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *