Home Wararka Maanta Daawo: Qaxooti cusub oo soo gaaray Puntland, kana soo Qaxay Dagaalada ka socda Yemen
Wararka Maanta - December 18, 2021

Daawo: Qaxooti cusub oo soo gaaray Puntland, kana soo Qaxay Dagaalada ka socda Yemen

December 18, 2021 Qaxooti cusub isugu jira Soomaali iyo Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada ka soconaya dalka Yemen, ayaa soo gaaray Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Qaxootigan oo gaaraya 98 qoys, ayaa lagu soo dhaweeyay Dekedda Boosaaso, iyadoo loo sameeyay baaritaan caafimaad, loona gudbiyay xarunta qaabilaada qaxootiga, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegtay in dadkan qaxootiga ah ee kasoo barakacay colaadaha Yemen ay u badan yihiin Haween iyo carruur.

Puntland ayaa dib u dajin u sameysay boqolaal qoys oo Soomaali iyo Yemeniyiin ah, kuwaas oo kasoo barakacay dagaalada Yemen, iyagoo taageero ka hela Hay’adaha caalamiga ah.

Dadka Yemeniyiinta ah ee kunool deegaanka Puntland ayaa goobo ganacsi ka hirgaliyay magaalooyinka waa weyn, sida meherado lagu sameeyo cuntada Yemeniyiinta, iyo goobaha lagu qurxiyo guryaha, xafiisyada iyo xarumaha ganacsiga.

Colaadaha ka holcaya dalka Yemen, ee u dhexeeya Dowladda Yemen oo ay taageerayaan Isbeheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta iyo Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan, ayaa sii galaya sanadkii todobaad (7), waxaana uu galaaftay nolasha boqolaal kun, halka ay ku barakaceen Malaayiin qof oo Reer Yemen ah.

Dagaalka ugu culus ayaa ka soconayay todobaadyadii lasoo dhaafay magaalada ‘Marib’. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Raggii reer Yemen ay dhinteen ama ay ku jiraan dagaalka.

somalifox.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *