Home Wararka Maanta Cumar Cabdirashiid oo Sheegay ina laga Been abuuray Bayaankii Xalay aysoo Saareen Madaxdii Hore ee Puntland
Wararka Maanta - January 13, 2022

Cumar Cabdirashiid oo Sheegay ina laga Been abuuray Bayaankii Xalay aysoo Saareen Madaxdii Hore ee Puntland

January 13, 2022  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa beeniyay in uu ka mid ahaa siyaasiyiin Bayaan ka soo saaray go’aanka Isimada Puntland ee xiisadda Boosaaso.

Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in aan laga tashan bayaanka siyaasiyiinta, sidoo kale uusan qayb ka ahayn hadalada uu xambaarsan yahay.

“Waxaan cadayn inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaan kan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsanaa” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka.

Ra’iisul Wasaarihii hor Cumar Cabdirashiid waxa uu intaas ku daray “Boosaaso dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa dan u ah”.

May be a Twitter screenshot of 1 person and text that says 'Omar Sharmarke @OmarSharmarke Bayaan loo qaybiyey war baahinta laguna sheegay inuu kasoo baxay wafdi aan ku jiray ayaan wax ka oran. Waxaan cadayn inaan la igalana tashan oo aanan qayb ka ahayn Bayaan kan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsana. Bosaso Dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa dan u ah 10:14 PM 12/01/22 Twitter for iPhone'

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *