Home Wararka Maanta Cudurka Karoona oo Maanta laga diiwaan geliyey Muqdisho
Wararka Maanta - April 10, 2020

Cudurka Karoona oo Maanta laga diiwaan geliyey Muqdisho

Apr 10, 2020 –

Muqdisho ( puntlanddaily) Wasiirka Caafimaadka XF Soomaaliya Fawsiya Abiikar Nuur ayaa caawa sheegtay in ay sii kordheen dadka uu haleelay Fayruska Corona, waxaana uu gaaray 21-kiis guud ahaan dalka sida Wasiiradda ay Xaqiijisay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 9 kiis oo cusub ay diiwaangeliyeen, isla markaana ay ku jiraan labo sarkaal oo la kulmay dad uu haleelay Cudurka Corona.

Shaqaalaha Wasaaradda waxa ay haatan gaareen 4-ruux, inta lagu guda jiro todobaadkaan waxaa sii kordhay kiisaska dadka laga helay Covid-19, halka qofkii ugu horeeyay uu habeen kahor geeriyooday.

Waa Tiradii ugu badnayd oo Hal maalin laga helo Cudurka dilaaga ah ee Karoonaha, Gudaha Soomaaliya.

puntlanddaily


<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)

Magacaaga (required)

Email-kaaga (Lama Arki Doono)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *