Home Wararka Maanta Ciidanka Badda Puntland ee PMPF oo xeebta degmada Qandala ku qabtay Markab si sharcidaro ah uga Kalluumaysanaayey Badda Puntland.
Wararka Maanta - June 23, 2021

Ciidanka Badda Puntland ee PMPF oo xeebta degmada Qandala ku qabtay Markab si sharcidaro ah uga Kalluumaysanaayey Badda Puntland.

June 23, 2021

Ciidamada badda dawlada Puntland ayaa gacanta markab si sharci daro ah uga kaluumeysanayay biyaha Soomaaliya sidda ay sheegeen Masuuliyiinta ciidanka maamulka.

Ciidanka Markabkaan ay kasoo qabteen xeebta degmada Qandala ee Puntland ka dib markii ay ka war heleen inuu halkaasi ka waday Jariif.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in markabkaasi uusan wadan wax sharci ah, ayna la socdeen 10 shaqaale ajnabi ah oo uusan sheegin dalka ay u dhasheen

Markabka iyo shaqaalaha la socday ayuu sheegay ku wareejiyeen hay’addaha Caddaaladda Maamulka Puntland si looga qaado talaabada sharciga ah ee ku haboon

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *