Home Wararka Maanta Ciidamo gedoodsan oo la wareegey kantaroolada Galmudug Ee Galkacyo iyo maamulka oo ka hadlay.
Wararka Maanta - October 8, 2021

Ciidamo gedoodsan oo la wareegey kantaroolada Galmudug Ee Galkacyo iyo maamulka oo ka hadlay.

October 8, 2021  Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ciidamo gedoodsan oo saaka qabsaday kantaroolka Koonfureed ee magaalada Galkacyo dhanka Galmudug iyo qaar kamid ah goobaha canshuuraha lagu qaado ee kuyaal magaaladaasi.xaafada baraxlay

Koontoroolka ay Ciidamada gadoodsan saaka qabsadeen ayaa waxaa xilligaasi ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug, hayeeshee ay si nabad ah uga tageen markii ay u yimaadeen Ciidamada katirsan daraawiishta Maamulka Galmudug oo mushahar la’aan ka cabanayey.

Axmed Shire Falagle, wasiirka wasaaradda warfaafinta ee Galmudug ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay ka gadoodeen mushaar la’aan ay ka cabanayaan kadib markii Ciidamada kale ee Galmudug uu mushaarka u soo dhacay.

Dhanka kalena, wasiir Falagle ayaa waxa uu guud ahaanba  beeniyay in gadoodka Ciidamada uu salka ku haayo is casilaadii Wasiirka Amniga Galmudug, waxaana uu sheegay in la xalin doono waxyaabaha ay ka cabanayaan Ciidamadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *