Home Wararka Maanta Ciidamada Soomaalida oo guulo ka gaaray dagaalka Canfarta
Wararka Maanta - August 26, 2021

Ciidamada Soomaalida oo guulo ka gaaray dagaalka Canfarta

August 26, 2021 wali socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada Soomaaalida iyo kuwa Canfarta kaa oo galay maalinkii Labaad.

Dagaal ayaa si weyn uga socda deegaano ku yaala gobalka City  waxaana warar halkaas naga soo gaaray ay sheegayaan in ciidamada Soomaalida ay guul weyn ka gaareyn dagaalka.

Ciidamada Soomaalida ayaa sidoo kale isku fidiyay deegaano hor leh iyagoo kuwa kale gacanta ku dhigay  waxaana ay kala yihiin deeganadaas Roto, Tarayna, ilaa Birta-dheer, kuwaas oo waxyar u jira magaalada Cadayti oo ay ku xoogan yihiin  kuwa Canfarta.

Dagaalka ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkabadan 15 qof ayaa dagaalka ku dhintay dhaawacana wuxuu kor u dhaafayaa 40 sida saraakiil caafimaad aan ka soo xiganay.

Laba dhinac ee dagaalka u dhaxeeyo ayaa waxaa soo kala gaaray gurmad xoog leh, waxayna ciidamada dagaalamayo u badan yihiin xoolo dhaqato iyo Beeraley.

Markii hore dagaalka waxaa soo qaaday Canfarta kuwaa oo weeraray Xoolo dhaqato Soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *