Home Wararka Maanta Ciidamada Puntland oo gaarey duleedka deegaamada Bacaadweyne iyo Camaara.
Wararka Maanta - September 3, 2021

Ciidamada Puntland oo gaarey duleedka deegaamada Bacaadweyne iyo Camaara.


September 3, 2021  Cutubto katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland gaar ahaan kuwa PSF ayaa waxa ay saacadihii ugu dambeeyey gaareen degaano ka tirsan Gobolka Mudug, halkaas oo ay ka socdaan guluf dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada PSF ee Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay gaareen fariisimo ka agdhaw deegaamada Bacaadweyne iyo Cammaara oo ka tirsan koonfurta Mudug, halkaasna howlgallo ay ka bilaabi doonaan.Deegaamada ay gaareen ciidamada Puntland ayaa waxaa dhowaan dib ula wareegay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana Puntland ay sheegtay inay Maamulka Galmudug kala qeyb qaadan doonaan davaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa 26-kii Agoosto 2021, dib u qabsaday degaannada Bacaadweyne iyo Cammaara ee Koonfurta Gobolka Mudug  kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo dagaalo halkaasj horay uga dhacay kula wareegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *