Home Wararka Maanta Burundi oo ka hadashay khasaarihii kasoo gaaray weerarkii ka dhacay deegaanka Ceelbaraf
Wararka Maanta - May 4, 2022

Burundi oo ka hadashay khasaarihii kasoo gaaray weerarkii ka dhacay deegaanka Ceelbaraf

May 4, 2022 Shalay ayey ahayd markii Kooxda Al-shabaab ay weerar dhowr jiho leh ku qaadeen Saldhig Ciidamada Burundi oo qeybta ka howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin Deegaanka Ceelbaraf oo dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ay ku gaarsiiyeen Ciidankii Burundi ee ku sugnaa saldhiga badankooda, halka kuwii kale ay ku kala firxadaan dhulka howdka ee ku teedsan saldhigii ay ku sugnaayeen markii hore.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi oo la qariyay magaciisa ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 30 askari laga dilay, 22 kalena laga dhaawacay, halka tobaneeyo kalena la la’yahay.

Ciidamada howlgalka Ex-AMISOM ee ATMIS ayaa u diray diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah intii uu socday weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen subaxnimadii hore ee shalay xero ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi oo ku taala  deegaanka Ceel-Baraf oo hoostagta ddgmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidankii Burundi ee ku sugnaa saldhiga ay ku dhawaad ​​400 oo dagaalyahano Al-Shabaab ah ay gudaha u galeen saldhiga kadib markii ay qarxiyeen labo baabuur oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Dagaalka dhexmaray dagaalamayaasha Al-shabaab iyo ciidanka Burundi oo ahaa mid culus ayaa waxba liskula harin hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo Al-shabaab ay sheegeen in weerarkas ay ku dileen ku dhawaad 173 ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *