Home Wararka Maanta Britain Oo Shaacisay Iney Somaliya U soo Direyso Ciidamo ka Dhan ah Al-shabaab.
Wararka Maanta - October 30, 2021

Britain Oo Shaacisay Iney Somaliya U soo Direyso Ciidamo ka Dhan ah Al-shabaab.

October 30, 2021 Sida lagu qoray The Mirror Dowlada Britain ayaa qorshaynaysa iney Somalia u soo dirto ciidamo gaar ah oo gacan ka geysanaya wax loogui yeeray shabakaad argagixiso ah.

Ciidamadan oo aan tiradooda la ogeyn ayaa la sheegay inay Somalia gacan ka siinayaan dhanka tababarka iyo qorsheynta howlgallada si ay Ciidanka Somalia awood ugu yeeshaan inay cagta mariyaan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsa Ciidamada Britain ayaa ku sugan Somalia sida wargeysku qoray kuwaasoo qorshaynaya tallaabadan, waxayna howshooda si rasmi ah u bilaabi doonaan sanadka soo soocda 2022-ka.

Britain ayaa sheegtay inay Somalia horey uga joogeen ciidamo yar oo tababara askarta Somalia, balse ay haatan arrintaas sii xoojinayaan.

Dowladaha deeqda bixiya iyo quwadaha waaweyn ee caalamka ayaanay qorshaha ugu jirin iney ciidamada dowlada Somalia siiyaan qalab casri ah oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab, iyagoo taas bedelkeed balaayiin dollar ku bixiya ciidamo afrikaan ah oo DF ilaalo ka haya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *