Home Wararka Maanta BREAKING: Xildhibaan Barkhad Batuun oo la dhaawacay
Wararka Maanta - June 9, 2022

BREAKING: Xildhibaan Barkhad Batuun oo la dhaawacay

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo kamid ah Baarlamaanka Somaliland ayaa ku dhaawacmay rasaas ay Ciidanka Somaliland ku fureen dad shacab ah oo dhigayay mudaharaad ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Barkhad oo qeyb ka ahaa bannaanbaxayaasha ayaa la sheegay in xabad uga dhacday lugta, iyadoo loola cararay isbitaal.

Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta qasan, waxaana qeybo kamid ah ka soconaya bannaanbaxyo ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo ku eedeeyay Madaxweyne Biixi in uu doonayo muddo kororsi iyo in uu dib u dhigo doorashada Madaxweynaha oo loo madlan yahay 13 bisha November, ee sannadkan 2022.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *