Home Wararka Maanta BREAKING: Al-Shabaab oo weerar kale oo culus ku qaaday Ciidanka Liyuu Booliska
Wararka Maanta - July 29, 2022

BREAKING: Al-Shabaab oo weerar kale oo culus ku qaaday Ciidanka Liyuu Booliska

July 29, 2022 katirsan kooxaha Argagixiso ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa markale saaka weerar kuqaaday 3 goobood oo ah deegaanada kuyaala Xaduuda Soomaali Galbeed, si ay iskugu dayaan in ay gudaha markale u gudbaan, balse ciidamada Xoogga gaarka ah ee deegaanka ayaa fashiliyey damacan.

3 Goobood ee ay weeraraan ayaa dhammaan kuteedsan deegaanada Xaduuda, iyagoo xooga saarayay jiho cusub isku dayaan in ay ka gudbaan ama kagalaan xadka.

Sida la aaminsan yahay dagaalkan, ayaa kaduwan kuwii horey loogu yaqaanay kooxdan Argagixiso, waana markii 2-aad oo ay todobaad gudihiis isku dayaan in ay u gudbaan dhinaca Soomaali Galbeed, iyagoo yoolkoodu yahay gaarida Buuraleyda isku xirta dhulka Soomaalida iyo Ismaamulka Oromoya ee Itoobiya.

Mareykanka ayaa xalay sheegay in talaabadan kooxahan ay tahay wax la qariibsado, balse waxay qireen in ciidamada deegaanka ay iska caabiyeen oo kasaareen goobo Xaduuda kasoo galeen.

3kun oo ah Unugyo mudo ladiyaarinayay ayay Al Shabaab iyo kooxaha kuwehliya duulaankan diyaariyeen in ay kuweeraraan dhulka Soomaali Galbeed, sida ay cadeynayaan macluumaadka lahelayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *