Home Wararka Maanta Booliiska Puntland Oo Qabtay Nin Dad Shacab ah ku Dhaawacay Tooray Uu ku Weeraray.
Wararka Maanta - July 26, 2022

Booliiska Puntland Oo Qabtay Nin Dad Shacab ah ku Dhaawacay Tooray Uu ku Weeraray.

Booliiska Caasimadda Garoowe ayaa xabsiga dhigay nin toorreey ku weeraray dad shacab ah.

Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawacyo culus gaarsiiyay ninkaas oo aan weli magaciisa la shaacin.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa xaqiijiyay in baaritaan lagu hayo shakhsiga loo qabtay dhacdadaas.

Booliska waxay sheegeen in ninkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo marsiin doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *