Home Wararka Maanta Booliika Norway oo soo bandhigay sawirada iyo magacyada labo Nin oo walaalo ah lagu tuhunsanyahay in ay dileen Xamse xaashi oo ahaa wiil soomali ah
Wararka Maanta - October 27, 2021

Booliika Norway oo soo bandhigay sawirada iyo magacyada labo Nin oo walaalo ah lagu tuhunsanyahay in ay dileen Xamse xaashi oo ahaa wiil soomali ah


October 27, 2021 Oslo Booliiska dalka Norway oo Soo bandhigay Sawirka iyo magacyada labo Nin oo Walaalo ah laguna tuhunsan yahay in ay ka dabeeyeen dilka wiil somali ah laguna magacaabo Xamse Xaashi laguna Dilay magaalada Oslo 7. oktober 2021 labada nin ee walaalaha ah oo lagu magacaabo Valon (35) iyo Visar (32) oo dagan magaalada Bærum oo wax yar u jirta Oslo ayaa ayaa booliisku ku tuhun san yihinn dilkii xamse xaashi Ee ka dhacay Xaafada Mortensrud 7dii oktoobar. xamse xaahi oo ahaa wiil somali ah oo labatan jir ah ayaan wax lug ah ku lahayn kooxaha danbiya

Sidan waxaa xaqiijiyay booliska degmada Oslo, oo sidoo kale waxay booliisku soo bandhigaya sawirada walaalaha oo ku sugan Airporka Gardermoen ka hor inta aysan u duulin Pristina ee Kosovo sabtidii 9-ka Oktoobar. Tan iyo markii ay tani dhacday, waxaanu ku dhiirigelinay dambiilayaasha inay soo sheegaan bilayska, laakiin ma suurtagelin in gacanta lagu dhigo ilaa jimcihii la soo dhaafay, oo hadda waxaan dooranay inaan soo bandhigno magacyada.iyo sawirkooda, ayuu sheegay qareena bilayska lagu magacaabo Børge Enoksen

Booliisku markii ay Norway ka dhoofayeen ma aysan tuhmin walaalaha, waxayna ogaanay oo kaliya inay dalka ka dhoofeen waqti dambe. Waxaa la baadi goobayay Jimcihii la soo dhaafay, markii Xamse Xaashi Aadan oo 20 jir ah lagu toogtay banaanka dugsiga Lofsruud 7-dii October ee sanadkan. –

Waa goor hore, in la sheego kaalintii ay ku lahaayeen iyo goor hore in la sheego waxa dhiirigeliyay, ayuu yidhi Enoksen. Nin 40-sano jir ah ayaa Isniintii xabsiga lagu hayaa Xaashi Aadan (20) ayaa lagu toogtay bannaanka dugsiga Lofsrud ee Mortensrud 7-dii Oktoobar ee

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *