Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo gaaray Muqdisho
Wararka Maanta - December 31, 2021

Axmed Madoobe oo gaaray Muqdisho

December 31, 2021 Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loo soo dhaweeyay.

Axmed Madoobe iyo wafdiga la socday ayaa waxaa soodhaweyntooda ka qayb qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay ka mid yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Rooble.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Muqdisho kaga qayb gali doona Shirka Golaha Wadatisha Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *