Home Wararka Maanta Aqalka Senate-ka Oo Ansixiyey Danjiraha Mareykanka Ee Somaliya
Wararka Maanta - December 19, 2021

Aqalka Senate-ka Oo Ansixiyey Danjiraha Mareykanka Ee Somaliya

December 19, 2021 Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay in Larry Edward Andre, Jr. uu noqdo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

danjire Larry Edward Andre, Jr ayaa wuxuu baddali doona danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay.

André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January, 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.Aqalka Senate-ka Oo Ansixiyey Danjiraha Cusub Ee Mareykanka U Fadhin doona Somaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *