Home Wararka Maanta Amisom Oo La Wareegtay Amniga Shirka Ka Dhacaya Muqdisho
Wararka Maanta - March 22, 2021

Amisom Oo La Wareegtay Amniga Shirka Ka Dhacaya Muqdisho

March 22, 2021

Wakiilka Midowga Afrika ahna Madaxa AMISOM Amb. Francisco Madiera ayaa xaqiijiyay ammaanka goobta inta lagu gudajiro shirka looga hadlayo arrimaha doorashada oo ka dhacaya Xarunta Afisyooni.

Amb Francisco Madiera ayaa caddeeyay inay damaanad qaadayaan Amniga shirka ka hor iyo kaddib, isla markaana la dhameystiray howshii Guddiga farsamada ee qaabilsan amniga iyo howlaha kale ee shirka.

Waxaa uu sheegay in AMISOM ay kala shaqeyneyso saaxibada kale isku duwida sidii shirka uu jawi amni iyo nabadgelyo ugu dhici lahaad.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *