Home Wararka Maanta Al-shabaab oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Deegaanka Baxdo
Wararka Maanta - June 17, 2022

Al-shabaab oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Deegaanka Baxdo

June 17, 2022 War qoraal ah oo ka soo baxay dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa waxaa looga hadlay weerar ay subixii hore ee saaka ku qaadeen deegaanka Baxdo oo 90 KM u jira degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Al-shabaab ayaa sheegay in halkaasi ay ku dileen 27 ruux oo ay ku sheegeen ‘Maleeshiyaad halkaasi lagu abaabuliyay’, halka dhinacooda looga dilay sagaal kamid ah xubnihii weerarka qaaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in tirada khasaaraha ee dagaalkii saaka ay tahay in ka badan 20 ruux oo laga dilay Al-shabaab, 5 kale oo ka dhimatay Ciidamada deegaanka ee ka tirsan Ahlu-sunna, waxaana la soo warinaya dhaawaca 10 kale.

Ma jiro weli war ka soo baxay maamulka Galmudug iyo Saraakiisha hoggaamineysa dadka deegaanka Baxdo ee maanta la dagaalamay Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *