Home Wararka Maanta AKHRISO: Roobabka Gu’ga oo ka curtay deegaanada Puntland
Wararka Maanta - March 25, 2022

AKHRISO: Roobabka Gu’ga oo ka curtay deegaanada Puntland

March 25, 2022 Gu’ga ayaa ka curtay deegaanada Puntland, iyagoo ka da’ay magaalooyinka iyo dhul miyi ah oo abaaro daran ay ka jireen, sida magaalada Buuhoodle ee caasimadda gobalka Cayn.

War kasoo baxay Xarunta maareynta xogaha kheyraadka biyaha iyo Tamarta Puntland ayaa lagu sheegay in maalmaha soo socda ay ka da’ayaan degmooyinka Buuhoodle, Goldogob, Bursaalax, Boocame iyo Burtinle, kuwaas oo muujinaya rajo wanaagsan.

Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka Xarunta.

Iyadoo lagu gudo jiro Xaalad Abaar Daran hadana filashada Hordhaca ah ee Roobabka Gu’ga ayaa ah mid Rajo galin leh.

Sida ka muuqata khariidada Saadasha Satimaanka iyo midda 3 maalmood ka nagu soo fool leh ayaa la filayaa Bilowga Curashada Roobabka Gu’ga meelo kooban oo kamid ah degaanada Puntland.

Xaddiga Roobabka la filan karo ayaa aad u yar; qiyaas ahaanna gaaraya 10 -20 mm. Isla markasna meelaha qaar lagu qabowsan karo.

Meelo kamid ah degmooyinka Buhudle Goldogob, Bursaalx Burtinle iyo Boocame ayaa la filayaa in Gu’gu ka curto maalmaaha nagu soo Aadan.

Waxaa arrintaan caawa laga dareemaya meelo kaimd ah degmooyinkaas

Waxaa weli sii jiraya Saamaynta Xaalad aad u daran ee abaarta maadaama Roobabka la filayo in bartmaha Ramadaan kawada Curtaan dhamaan degmooyinka Punland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *