Home Wararka Maanta Akhri Cadaymo: Itoobiya oo qiratay in ay soo riday Diyaaradii African Express & Dood cajiib oo katimi.
Wararka Maanta - May 9, 2020

Akhri Cadaymo: Itoobiya oo qiratay in ay soo riday Diyaaradii African Express & Dood cajiib oo katimi.

Version:1.0 StartHTML:000000289 EndHTML:000244200 StartFragment:000202317 EndFragment:000244150 StartSelection:000202692 EndSelection:000244118 SourceURL:https://puntlandtimes.ca/2020/05/cadeymo-itoobiya-oo-qiratay-in-ay-soo-riday-diyaaradii-african-express-dood-cajiib-oo-katimi/ CADEYMO: Itoobiya oo qiratay in ay soo riday Diyaaradii African Express & Dood cajiib oo katimi.

MUQDISHO(P-TIMES) – Sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta dalka Kenya, dawladda Itoobiya ayaa qiratay in ay ciidamadeedu soo rideen diyaarad waday gargaar aadantinimo oo loo waday degmada Bardaale ee gobalka Baay Soomaaliya, ka dib markii lagu dhuftay mid kamid lidka diyaaradaha sida ay sheegayaan wararka hordhaca e la helayo.

Warbaahinta Kenya ayaa baahisay macluumaad muujinaya arrintan oo ay ku jiraan waraaqo ay is dhaafsadeen dalalka Kenya, Itoobiya & Ururka Midowga Afrika oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya ee kusugan gudaha Soomaaliya.

Sababta diyaaraddan ay usoo rideen ciidanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay aad ugu hooseysay jooga caadiga ah, taasna ay abuurtay shakiga ah in ay tahay weerar Ismiidaamin ah oo ay fulinaysay kooxda Al- Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, sida lagu sheegay xogta la baahiyey.

Taliyaha guutada 3aad ee ciidamada Itoobiya, kuna sugan magaalada Bardaale Brigadier General Alemu Ayene, ayaa sheegay in aysan heynin xogta duulimaadkan oo ay shaki ka qaadeen, isagoo sheegay in ay dhankooda oo Amniga garoonka gacanta ku haya aan lagu wargalin duulimaadkan.

Itoobiya ma sheegin sababta loogu wargalinayo duulimaadka gudaha ee Soomaaliya, waxaana taasi ay warbaahinta Kenya ka keenen dood ah sida ay saxda ku tahay sheegashada.

Baaritaano madax banaan ayaa ku howlahan baaritaankan, waxaana wararku ay sheegayaan in sadex kamid ah dadka diyaradda saarnaa oo nool la toogtay, laakiin ma jirto cadeyn ku filan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *