Home Wararka Maanta Afhayeenka Madaxtooyada: Calooshood u shaqeystayaal ayaa weerar ku ah dadka iyo dowladda
Wararka Maanta - September 8, 2021

Afhayeenka Madaxtooyada: Calooshood u shaqeystayaal ayaa weerar ku ah dadka iyo dowladda


September 8, 2021  Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Xaashi, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka farriin ugu diray dad uu ku tilmaamay calooshood u shaqeystayaal duulaan ku ah dowladda Soomaaliya.

Waxa uu dadkaas oo uusan sheegin kuwa ay yihiin ku tilmaamay inay faafinayaan been iyo dacaayad ka dhan ah dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu ku tilmaamay Soomaaliyada maanta inay ka duwan tahay tii hore, oo ay dadkeedu baraarugsan yihiin.

Ma cadda dadka uu ka hadlayo Soomaali iyo ajnebi waxay yihiin, ama xitaa shaqsiyaad ama dowladdo.

Laakiin waxaa weli Muqdisho ka taagan xiisada ka dhalatay khilaafka madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Social embed from twitter


Abdirashid M. Hashi@MrDuqa·3tTo all missionaries of misery predicting all calamities for Somalia by running & coordinating disinformation & propaganda efforts to attack the Citizens & the Federal Government of Somalia; Unlike before, #SomaliaisAwake. No retreat from our dreams & aspirations for #Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *