Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo Fariin U Diray Xildhibaanada Labada Aqal
Wararka Maanta - May 13, 2022

Aadan Madoobe oo Fariin U Diray Xildhibaanada Labada Aqal

May 13, 2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta soo xiray kulankii khudbad jeedinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha ayaa la dardaarmay Xildhibaanada.

Ugu horeyntii Guddoomiey Aadan Madoobe ayaa u mahad celiyay Xildhibaannada labada aqal iyo Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha.

Waxaa u sheegay in labada maalmood ee inagu soo aadan la guda geli doono diyaar-garoowga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaceeysa maalinta Axada ee ku beegan 15-ka bishaan May.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Xildhibaannada inay ilaaliyaan waqtiga ballanta ee la isugu imaanayo doorashada madaxweynaha, xili maalmihii dambe ay muuqaneysay inay si weyn uga dib dhacayeen hadal jeedinta doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *